Kaftan iyo sheeko dabadeed, keeggii ayuu jaray afkana u geliyay. Hadday ogaan lahayd in uu ka dhiganyahay cad baruur ah oo laga jaray wan shilis oo axankeeda lagu qalay gowsaha ayay is dhaafsan lahayd. Maalintaa ayuu gacan ku dhigay oo gurrac uga danaystay. Guurkiyo arooskii uu ku beer laxawsadayna wuu ka baxay, oo awalba bushmaha guudkooda ayuu ka ahaa. Iyadoo ka tiiraanyooneysa sida sibiqda ah ee ay durba u qab jabtay iyo sida gabarnimadeedii siddeed iyo toban-ka sano loo shin tiraayay ay sikinno ugu burburtay, oo saamo jiideysa ayay xaafaddii u soo dalandooshay. Albaabka gurigu haddii uu ahaan lahaa nuuca wejiga-garashada lagu furo maba uu aqoonsadeen wejigeeda, oo uma furmeen, sida ay durba u doorsoontay awgeed. Saddex bil kadib maalitaa, ayay habeen lallabbo iyo bog xanuun la soo boodday. Waa wallac is ma se oga. Hooyadeedna way baxnaanisay oo howlahaa u ga ma ay shakin Deeqa. Way iska ladnaatay oo wallacu wax sidaa u sii dabadheerba ma noqon. Mar kaliya ayay ka war heshay...
Waa aasmadoobaad, cirkiina wuu isa soo xirxiray. Saxansaxo udgoon baan sanka la raacayaa, anigoo jecleysanaya in aanay sahal igu dhaafin. Dooxan aan lugeynayo haatan waa gudaafad qashinka lagu soo fogeeyo, se caawa marka roobku helo ee uu qashin qoryaba waxaa dhex daadsan uu daadxoorta ka dhigo, ciiddiisii xaaniga ahayd baa soo hareysa kolkaas baa naftu jecleysaneysaa in ay si walba ugu negaato. Mar keliya ayaa dhegteydu xadday cod si dalanbaabi ah ku soo gaaray, se ma sixi karo wuxuu yahay iyo wuxuu leeyahay labadaba. Waan u soo dhaqaaqay anigoo saanta hoosta ka xadaya. Waa ilmo yar. EEYO ayaa ku xoonsan, jinbiga wadada ayaa la jiifiyay, salli yar ayaa loo dhigay saddex maro oo kalena madaxa ayaa ciidda looga xigsiiyay. Tolow waa ayo ciddan arxanka daran haddana naxariisto biyo dhigtay, ayaan is weydiiyay. Se buste la huwiyay ma naxariis baa? Muxuu tari kol hadduu caawa eyaha dooxa joogta baylah u yahay?! Waa diirnax, oo “waxba’” “wax” bay dhaamaan. Ma ayaan da...