Skip to main content

Ubadkii Maganta: Qeybtii 1aad.

Waa aasmadoobaad, cirkiina wuu isa soo xirxiray. Saxansaxo udgoon baan sanka la raacayaa, anigoo jecleysanaya in aanay sahal igu dhaafin. Dooxan aan lugeynayo haatan waa gudaafad qashinka lagu soo fogeeyo, se caawa marka roobku helo ee uu qashin qoryaba waxaa dhex daadsan uu daadxoorta ka dhigo, ciiddiisii xaaniga ahayd baa soo hareysa kolkaas baa naftu jecleysaneysaa in ay si walba ugu negaato.

Mar keliya ayaa dhegteydu xadday cod si dalanbaabi ah ku soo gaaray, se ma sixi karo wuxuu yahay iyo wuxuu leeyahay labadaba.  Waan u soo dhaqaaqay anigoo saanta hoosta ka xadaya. Waa ilmo yar. EEYO ayaa ku xoonsan, jinbiga wadada ayaa la jiifiyay, salli yar ayaa loo dhigay saddex maro oo kalena madaxa ayaa ciidda looga xigsiiyay. Tolow waa ayo ciddan arxanka daran haddana naxariisto biyo dhigtay, ayaan is weydiiyay. Se buste la huwiyay ma naxariis baa? Muxuu  tari kol hadduu caawa eyaha dooxa joogta baylah  u yahay?! Waa diirnax, oo “waxba’” “wax” bay dhaamaan.

Ma ayaan darra. 18jir ugub ah, oo aan isaga hortii uur iyo arax midna ilmo ku qaadin, buu curad u noqday. Ma arxan darra iyaduna ee utun buu ku noqday iyo buro ilma galeenkeeda Eebbe ku beeray.

Deeqo waa inan qurux iyo hubqaad Rabbi hibo u siiyay. Sida ay quruxda hodan uga tahay maal adduunyo reerkedu hodan ugama ahan. Waa adduunyo oo waligeedba “Laf dhuux leh iyo labo dhagax la is la ma helo!”

Shan carruura oo saddex hablo yihiin ayay u weyntahay. Aabbaheed Xasan maalintii ay dab ka bayrtay ayuu u geeriyooday, xanuun uu in muddo ah bukaansocod la ahaa. Hooyadood ayaa dhexda u xiratay masuuliyaddii reerka oo idil. Waxay niyadda ku haysay in dadaalka ay manta u hurto carruurteeda ay mirihiisa guran doonto.  Deeqo waxa ay   ahayd yididiilada hooyadeed. Way ku taamaysay oo waxay is lahayd iyada ayaa ku nasin doonta marka ay reerka u kacdo. Deeqi way kortay, oo dugsi iyo iskuulba lagu dar. Hooska hore ayay dugsiga aaddaa kan danbana iskuulka, xaafaddana waa ka hooyo. Way hanaqaadday. Waa 18jir lud iyo lafba dhiggeed ugu sidata. Waa da’da gabadhu ugu rejo iyo riyo qurxan tahay.

Waa marka inta laabtu u buuxsanto ay socodka kula ciyaarto labadeeda maddane, oo ay isu aragto in dunidaba aanu jirin qof la cayn ah. Duruufta saboolnimadu dhabankeeda kama muuqato oo hooyadeed baa u dhallinyar oo hiil iyo hoo’ ba la soo garab joosatay.

Waxay is barteen Daahir. Daahir waa 25 jir, waxaa dhalay oday ganacsade ah oo dadka xaafadda ugu caansan ee la soo tilmaansado ka mid ah.  Jaamacad ayuu sanadkan dhammeeyay. Waa madi, aan si na tabashadiisa u waayin. Baraare adduun waa loo laba lisay. Gaari ayuu ku tagaa goobaha kubadda lagu ciyaaro. Waa hadal yaqaan af macaan iyo hodan gacan furan. Hablo badan ayuu qaarba si ku soo xera geliyay. In uu gabar la ooyeysa arko wuxuu baday, jacayl iyo jirrabaad kaleba “ragannimo” ayuu u arkaa. Siddedaba qofku wax uu ka baqo iyo wax uu u baqo haddaanay jirin dabar celinaya la ma helo. Wayne kama baqayo waalidna haba sheegin. Gabdho la dhashay oo uu u baqayo aayahoodana ma jiraan. Iyada oo badanka reeraha ladan iubadkoodu si u dhaqan daranyihiin ayuu Daahir madinnimo ku darsaday.

Maalintii ay dugsiga sare ka baxday Deeqo, ayay Daahir is barteen, dabinkiisana ku dhacday. Amaan ayuu gun iyo baar ugu idleeyay gacantana wuu u furay. Wuxuu dareenkiisa qooqa iyo damiirkiisa bahaloobay kula faqay in uu gurrac kaga danaysto. Wuxuu is tusay in raganimadiisu dhimman tahay haddaanu ku laxaadsan oo legdin. Tuushka dhabankeeda ku yaal in uu godan ilmadu isugu hoorto ka dhigo ayuu hoosta ka xarriiqay. “Sir ma qabe Allow sahan ah”.

Inkasta oo ay qof dhiifoon ahayd ma oga in ay ka kalluumeysanayso webi yaxaas daf ka yahay. Burkaba bahal kama ay filan. Aalaaba dumarku amaanta way u nugulyihiin, marka inanta aan garaadkeedu weli u buuxsaminna way adagtahay in ay kala saarto ooyin caashaq iyo ilmo yaxaas. Deeqi u gacan gashay Daahir. Waxse shinkeed go’ay maalin uu ku casuumay xaflad kediso(surprise) ah oo uu ugu sheegay in ay dhalashadeeda tahay se dhimashadeeda noqon doonta.  Way ajiibtay. Way soo labisatay. Iyadoo aad mooddo in ay Jannada booqasho uga timid ayay xafladdii soo istaagtay. Markiiba waxay weydiisay “oo waa maxay xafladda cidla’da ahi?” si sahlan ayuu ugu jawaabay “in aad indhaha badan ka xishooto ayaan ka baqay” ciyaar ayay iska galeen, oo cabbaar baa qoob-ka-ciyaar la galay.

Intuu indhaha ka buuxsaday ayuu yiri “qorqornaanta jirkaaga ayaa ku dheygagsanahay, bal eeg dhaxdan caaro-dhuubta ah” intuu gacanta la laacay. Sideedii ayay xishood ugubnimo awgii indhaha hoos u rogtay oo gorodda laalaadisay...

Comments

Popular posts from this blog

Ubadkii Maganta: qeybtii 2aad.

  Kaftan iyo sheeko dabadeed, keeggii ayuu jaray afkana u geliyay. Hadday ogaan lahayd in uu ka dhiganyahay cad baruur ah oo laga jaray wan shilis oo axankeeda lagu qalay gowsaha ayay is dhaafsan lahayd. Maalintaa ayuu gacan ku dhigay oo gurrac uga danaystay. Guurkiyo arooskii uu ku beer laxawsadayna wuu ka baxay, oo awalba bushmaha guudkooda ayuu ka ahaa. Iyadoo ka tiiraanyooneysa sida sibiqda ah ee ay durba u qab jabtay iyo sida gabarnimadeedii siddeed iyo toban-ka sano loo shin tiraayay ay sikinno ugu burburtay, oo saamo jiideysa ayay xaafaddii u soo dalandooshay. Albaabka gurigu haddii uu ahaan lahaa nuuca wejiga-garashada lagu furo maba uu aqoonsadeen wejigeeda, oo uma furmeen, sida ay durba u doorsoontay awgeed. Saddex bil kadib maalitaa, ayay habeen lallabbo iyo bog xanuun la soo boodday. Waa wallac is ma se oga. Hooyadeedna way baxnaanisay oo howlahaa u ga ma ay shakin Deeqa. Way iska ladnaatay oo wallacu wax sidaa u sii dabadheerba ma noqon. Mar kaliya ayay ka war heshay...