Mar kaliya ayay ka war heshay in lagu lammaan yahay.
Way u qaadan weyday in dhimbilihii faniinka ahaa dhexdeeda isku laba rogayaan.
Se waa run sibir ka qaraar ayna ku qasban tahay in ay laabta u sii dayso.
Waxay
go,aansatay in ay isagii aaddo, kuna tiraahdo “ si uun ii gal aadmiga adaan,
kaaga soo go’aye” way tiri mooyee kani qof jir dubaaxsha leh ma aha. Ceebna waa
u nin Soomaaliyeed cuqubana ma ba yaqaan. Illinta dhabankeeda inta ka hoortay
gaaddaha dhex dareereysa ayuu isha la raacay, wuxuu isu qiray wax ay isaga iyo
hororka hablaha ganac jebiyaahi u yaqaannaan RAGANIMO. Waxay ku tiri “waa
innagii arooska ku ballansanayn ee walaal Daahir, ballantii waa ay dhowdahay oo
beryo yar ayaa ka haray ee sow ma ogid?” eray gantaal laabta kaga dhaca kaga
xanuun badnaan lahaa ayuu ku yiri. Si janjeer ah inta u eegay ayuu “BALLANI WAA
WAR” ugu soo gaabshay. Wixii kugu dhacayaahi kun sano ayay kaa weyn yihiin inta
ay isku qancisay ayay dalanbaabisocod iyada oo sida ilma yar oo hurdo laga
kiciyay tallaabada isla gefeysa ka soo hadaawirtay.
Waxay ka baqday marka uurkani soo baxo, ee hooyadeed
aragto ilmaha caloosheeda ku jira in naxdin wadnuhu istaago oo ay u ba dhimato.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay duurgal iyo darbijiif iska noqoto. Muqdisho oo
aanay weligeed dhanna uga bixin ayay manta iyadoo indha-xiran ah ka
sadcaashay. Magaalo kale ayay uga
dhuumatay ceebeynta sharafteeda iyo magac iyo mooral dilka ay hooyadeed u
horseedi lahayd.
Haddey shalay muunad iyo qurux u dhammayd manta ma
laha. Kor iyo kal inta ay is ku bidday ayay
gibil madoobaatay. Dhafoorrada ayaa godmay, dhadhamo mooyee dhuuni la sheegaahi
kama dego. Keggii macaanaa ee dhuunkaasha ahaa wax ka danbeeya umaay riyaaqin
dhadhankooda. Laabtii buuxday iyo jirkii qorqornaa ayaa mar keliya sidii tayir
la aaryo bixyay u shuuqay.
Waxay ku tawaawacday “afar qaadkii socodkiyo, ma
eersaday wareeggii…”
Xilli kulul oo duhur aan meydka la aasin ah ayay geed
hoostii fadhisaa. Kun su’aalood ayaa sida hirarku xeelliga badda u kala
hororsadaan maskaxeeda u kaltamay. Waxay is weydiineysaa waxa ragannimo iyo
ninnimo kala yihiin. Ma isku mid baa mase waa kala labo? Tee baa jinsiga
laboodnimo ka dhigan? “Kolley ninnimo ayaa u dhow”. Ragannimo se iyadu maxay
noqoneysaa? Dadnimo mase dumar qalasho? Ragannimada miyaa loo dhashaa mase waa
qiyam iyo akhlaaq ababinta waalidku asal u tahay…?
Sagaalkeedii ayaa cirka ka go’ay. Waxa ay go’aan ku
gaartay ilmuhu marka uu dhasho in ay disho, oo ay kaligeed nolosha la hardanto.
Haddana wey is qabatay in ay naf goyso, weliba cad iyada laga jaray wey la
ahaan weyday. In ay halkan ku dhasho oo ilmaheeda yar qaadato ayay ku tashatay.
Waxa ay se xasuusatay in ay gabar soomaaliyeed tahay, marka la ogaado ilmaha ay
siddaa in uu “garac” yahay, Dh⁎llo in ay tahay in carra-edeg loo wada marsiin
doono, iyada oo aan cidina weydiin qisadeeda. Hebel baa iga dhalay haddey
tiraahdo way ogtahay in aan laga hoos qaadayn oo la leeyahay “in ay sharafta
uga ciyaarto ayay rabtaa wiilka xaajiga xaafaddu dhalay!”. Waa u wiil xaaji
dhalay iyaga, dad qalkii ka dharqaday hilbaheeda ee halista uga bayray!
Way ogtahay in yar oo qalad ah qofkii uu ka dhacaa in
uu bulshadeeda dhexdeeda xarig lama-sitaan ka noqon doono, hadday gabar
tahayna, kuma ba sii jirto. Way ogtahay mid kasta oo tuur iyo turxaan lagu
nacay lihi in uu soo haweysan doono maalintaa, waa u guur iyo gayaan seeg!
Maalintaa ayay u dhammaatay oo wixii intaa ka danbeeya waa “sed odayeed”.
Wax ay xanuunkii foosha la dabandeebtaba ugu danbayn
wiil bay dhashay. Waa ugub curatay hadda, oo u baahan in la gaasa-bixiyo, oo
loo waayeeliyo se heli meyso. Waa in ay iyadu khibiir isu noqoto. Xuduntii inta
ay ka goysay oo isku gunudday ayay horaaddo aan dhaqaale hore qabin ku habtay
kuna sogootisay.
Waa markii ugu horreysay uguna danbeyn doonta ee uu
horaadka hooyadii jaqo! Meel ciid ah ayay ah qoryihii uga kala xaaqday, oo
salli iyo saddex go’ oo ay wadatay u gogoshay ayay seexisay kana cirbisay.
Sidii weyrax geel oo ubadkii laga reebayo ayay iyadoo baalladaymooneysa dushana
ka sii arkeysa eyihii dooxa oo ku soo kala ordeya isaguna jaaq-da hayo ayay ka ka
ambaty!
Sideedaba naxariista iyo banii’adamnimada waxaa jaan
gooya anshaxa iyo qaab nololeedka qofka. Haddii aanu xeer jirin bulshada
dhexdeeda ka xakameeya xadgudubka iyo xuquuq-ku-tumadka, waxaa guuraya
naxariista iyo wax xeerinta. Taas ayaana Deeqa ku sababtay iyadoo hooyo ah in
ay ilmaheedii eyda iyo duurjoogta u loogto.
“haddii
uurka habreed
Astaan
gaar ah lahaa
Hooyadii
amranayd
Arxan
goysay markuu
Xeer
illow ku dhacoo
Ubadkii
magantaa
Haadku
eeganayaa!
Eerashooy
bi’i waa
Iil
dhexdiisa haddaan
Ubucdeedu
qodnayn
Sow
ma soo olosheen!” _ Hadraawi
~
W/Q: Shaafici Gaafaay
Comments
Post a Comment