Kaftan iyo sheeko dabadeed, keeggii ayuu jaray afkana u geliyay. Hadday ogaan lahayd in uu ka dhiganyahay cad baruur ah oo laga jaray wan shilis oo axankeeda lagu qalay gowsaha ayay is dhaafsan lahayd. Maalintaa ayuu gacan ku dhigay oo gurrac uga danaystay. Guurkiyo arooskii uu ku beer laxawsadayna wuu ka baxay, oo awalba bushmaha guudkooda ayuu ka ahaa. Iyadoo ka tiiraanyooneysa sida sibiqda ah ee ay durba u qab jabtay iyo sida gabarnimadeedii siddeed iyo toban-ka sano loo shin tiraayay ay sikinno ugu burburtay, oo saamo jiideysa ayay xaafaddii u soo dalandooshay. Albaabka gurigu haddii uu ahaan lahaa nuuca wejiga-garashada lagu furo maba uu aqoonsadeen wejigeeda, oo uma furmeen, sida ay durba u doorsoontay awgeed. Saddex bil kadib maalitaa, ayay habeen lallabbo iyo bog xanuun la soo boodday. Waa wallac is ma se oga. Hooyadeedna way baxnaanisay oo howlahaa u ga ma ay shakin Deeqa. Way iska ladnaatay oo wallacu wax sidaa u sii dabadheerba ma noqon. Mar kaliya ayay ka war heshay...
waxa aan boggaan ku soo gudbin doonaa sheekooyin iyo qoraallo kala duwan oo aan kaga hadlayo arrimaha bulshada.